Nolasha qurbaha, waxa ay daruufta nagu qasabtey in aan nolasha la wadaagno umaddo kala duwan, oo waxyaalo kala duwan aaminsan. Nolol la wadaaga umadahaa kala duwan, waxaa laga dhaxley in aad wax ka ogaatid waxa aad umadd ahaan ku liidataan iyo waxa aad ku fiican tihiin, oo u baahan difaacid iyo dhawrid.
Tusaale ahaan, waxey nooga fiican yihiin oo ay aamisan yihiin muhiimadda ay leedahey wada-jirnnimo iyo wada shaqeyn. Waxey ficil ahaan ku dhaqmaan maah-maahdeenii aheyd `Far keliya fool ma dhaqdo`. Maah-maah aanu leenahney, balse dhaqankeed naga maqan yahey.
Waxaad arkeysaa, marka qof iyaga ka mid ah, nolosha uu guul ka gaaro, sideey ugu faanaan oo ay meel walbo uga muujiyaan, siduu inuu cir iyo dhul u kala hayo. Balse la yaab ma lahoo, waa dad ogsoon guushaa shakhsi in ay sidoo kale ay tahey guul bulsho- oo jaaliyadood sumcad weyn u leh. Waxaa u muuqata oo sahamin ku arkaan, guushaa shakhsi in ay hadanana tahey guul jaaliyadd – oo saamayn jinsiyadd makro iyo micro leh.
Halka anaga, markii qof naga mid ah, guul ka gaaro nolasha, waana ogsoonahney ka guul-gaaridda nolasha qurbo in aysan aheyn wax sahlan- baa qofkii loo hiilin lahaa oo kalsooni dheeraad lagu abuuri lahaa, baa waxaa qofkaa lagu noqon cadow. Waxaa laga dhigi in uu cadow u yahey umadda. Xaasidnimo meeley ka timid aan la aqoon, baa lagula kici. qofkii aakhirkii umaddii u baahneyn buu ka dhex baxi, oo uu cadow u arki.
Hadaba yaa qasaarey? Xagee xaasidnimadda iyo maseyrkaa nooga yimid? Ficilkan foosha xun ma wax aan dhaqan u leenahney baa, mise waa wax ka mid ah dhaqamadda xun-xun ee laga dhaxley burburkii qaranimo? Hadiise la yahey umad muslim ah, xagee iimaankii ka baxey? War ma anaa waalan mise cadanbaa laga heesi!
Dhibabkan xaasidnimo ee aan halkan ku tilmaamayo, waa dhib halis u ah horumarkeen, jiritaankeen iyo midnimadeena. Waxaa fiican dadka garadka ah, soomaalinimadda la weyn in ay abaabulaan meelo looga hadli karo dhibabkan iyo waxa kalifey iyo sida loo xalin karo. Taa xalkeen baa ku jira.