Xadgudubyada dumarka iyo carruurta lagula kacayo, ma lays weydiiyay waxa sababaya iyo waxa laga qaban karo.
Horaa loo yidhi- Umadd naxariisata waa umad garasho leh- Tola`ey!.
Nasiib xumo, mar kale waxaa ka dhacey dalkii dhacdooyin aad u murugo badan oo loo geystay dumarka iyo hooyooyin. Dhacdooyin aad u fool xun oo hadal-heyntood dal iyo dibadba ku faaftey. Labo dumar ayaa la diley. Mid Moqdishaa lagu diley, oo ninkeedii baa nolosha ku gubey, gurigana dusha uga xirey si aysan u badbaadin. Waxey aheyd hooyo xaamila ah, caruur agooma ah korsaneynsey. Caruurteediina, nasiib xumo, marqaati ka noqdey silicaa hooyadood loo diley. Ninka dileyna uu yahey ninkey nolosha ku aamineyn.
Dhacdo kaloo murugo leh ayaa ka dhacdey magaalada Qoryooley. Oo gabar xaamilo aheyd   ninkeedii si xun u dilay. Subxanallah. Xaasidnimo intaa le`eg waxa sababaya, ma leys weydiiyay!?Labadaa dhacdo ayaa dhagaha soomaali ku bateen waayahan, balse ay dhici karto in ay jiraan dhacdooyin kuwaa la mid ah, ama ka sii daran oo aan laga warhelin ama la qariyay?
Norway iyo dilalka haweenka oo iyagana soo batey!
Maalmihii ugu horeeyay ee bishii Janaayo 2024, Norway waxaa ka dhacay dilal badan oo u badnaa dumar. Kow iyo toban, oo uu ku jiro ilmo hal sano jir ah, ayaa la dilay. Waxa dileyna waa qaraabadood.
Dilalka faraha badan ee dhacay muddo kooban, warbaahintana aad uga hadashay, ayaa sabatey in isla xisaabtanka lays weydiiyo. Aaway madaxdii dalka oo dhibkaas ka masuulka ahaa? Maxay wax uga qaban waayeen? Maxaa dhacay? Maxaa sababa dilalkan? Waxa bilaabmay doodo badan oo wax ku ool ah. Hay’adaha amniga, caafimaadka, waxbarashada, sharciga, xildhibaanno iyo wasiirro u xilsaarnaa arrimahan, ururrada bulshada iyo warbaahinta ayaa dood isugu yimid.
Mid ka mid ah su’aalaha ugu waaweyn ayaa ahaa – (1) – Maxay sababya dilalka? (2)- Sidee looga hortagi karaa? (3)- Nidaamka jira ma leeyahay aqoontii iyo agabkii loo baahnaa ee lagu xalin lahaa dhibaatooyinkaas? Inta badan dilalkan ayaa ah kuwo ajaaniib uu ka dambeeyo. Ajaanib kuli sii dhaqmaya dhaqamadeey ka soo qaxeen(honour killing iyo dumar caadaadin).
Dhanka kale, raggii ayaa in mudo ah ka hadlayay dhibaatooyinka ay ku qabaan sharciga iyo siyaasada sinnaanta jinsigaee. Norway, sidaan ogsoonahney waa dal boqolaal sano u soo halgamayay xaquuqda dumarka, isla markaana leh siyaasad jinsiyeed oo dhowraysa xuquuqda ragga iyo dumarka. Laakiin raggii ayaa ku andacoonaya in siyaasadda sinnaanta ee jirta maantey, ay diiradda saareyso oo keliya xaquuqda dumarka, oo toodii la hilmaamey.
Nimankan oo koox-koox isku aruursadey, mana aha niman la dhayalsan karo, sida kuweena ceytama. Waa niman si xeeladaysan u muujinaya dhibkood. Xataa dumarkii bey la bahoobeen oo ay ka dhaadhacsiiyeen haduu ninku dhiban yahey, in ay iyadana dhiban tahey, caruurtana ay yihiin dhibanaha ugu weyn.
Waxey soo bandhigeen xaqiiq aan layska indho-tiri karin. Tirokoob muujianaya meelaha uu raggu ugu liito oo u uku dhibaateysan yahey. Is-dilka, dembiyada, xanuunada dhimirka, shaqo-la’aanta iyo waxbarashada oo laga harayo, waxaas oo dhan ragga baa ugu badan. Nimanka intaa kuma ekaaninee, waxey rabaan in sharciga sinaanta jinsiga wax laga badalo, oo laga saaro qeybta taageerta xuquuqda haweenka laga tiro badan yahey, sida haweenka ajnabiga ah.
Qeyladii nimankaa iyo sawaxanka ay sameeyay, waxey dawladii qasab ku noqtey in la dhageysto, oo xal loo raadiyo waxa ay cabanayaa. Waxaa la sameeyay gudi khubaro ah oo labo sano gudahood baaritaano ku sameyneysa waxa uu raggu ka cabanayo, talo bixina ka soo jeediyaan. Khubaradaa warbixintood ayaa la filayaa sanadkan dhamaadkii. 

Podkastigeyga- Codka is-dhexgalka

Waxaan leeyahey podcast- oo arimaha is-dhexgalka iyo qurbajoogtanimadda uga hadlo. Podkastigaa ayaan mar ku soo marti qaadey hogaamiyaha guddiga khubarada, Claus Jervell iyo xubno guddigiisa ka mid ah oo weydiiyey – ‘’su’aalo ku saabsan sida ay u arkaan dhibaatooyinka ragga iyo wiilasha ajanabiga ay la kulmaan noloshan cusub ee ay u soo haajireen, iyo siyaasadda jinsiga ee markii iyagii ku dhex-dhashey noloshan degaanaanasha, nidaamka iyo kala dambeynta ku dhisan oo hadana ku dhib qaba – side caqabadaha laba-geesoodka ah ee ragga iyo ajaanibka la kulmaan, ma ka hadli doontaan? Xalna maxaad u aragtaan?
Jawaab i qancisa kama helin, waana wax aan rajeynayay, balse muhiim ayay ii aheyd in aan  dareensiiyo in lala socdo. Tan kale, waa macquul inaysan rabin in ay ka sii hor-dhacaan hawl ay soo bandhigi doonaan. Si kasta oo ay ahaataba, talo-bixintooda waa muhiim in lala socdo. Raggeena iyo wiilasheenna ayay saameyn ku yeelan doontaa. Xaqooda iyo baahidoodana waa in aan u soo dhicinaa.
`Sababta aan waxani kuu sheegayo waa dhiiro gelin! Waa rajo abuurid! Markaan ka gudubno u fakarka iyo u dhaqanka habka reereed, oo aan u gudubno hab dhaqan qaran. Aan aamino in ay jiraan waxa naga wada dhaxeeya kuligeen, aan wada leenahney, nolasheenana ku xiran tahey. Markaan heerkaa gaarno, waa markuu roobkii horumarka noo bilaabanayo. Gaaritaanka guushaa, waxa naga xiga oo keliya- FICIL`
Umadd meel isugu timid, dhib waa ka dhacaa, laakiin farciga u dhaxeeya bulsho jaahil ah iyo bulsho horumartey ayaa ah, bulshada horumartey dhibkeeda wey ka hadlaan oo xal bey u raadisaa. Halka anaga, bulsho jaahil ah, bulsho boqolaal qarni ka dambeysa umaddaha kale, dhibkeena waa caburinaa, sidii inuu is xalinayo oo kale, aakhirkiina waa qarxaa. Heerkaa qaraxa ayaan maantey maraneyaa. Is eedeyn iyo is caburin waa la soo arkey inaysan xal noqon karin. Waa in kaxuumadan maantey jirta oo 4.5 ku dhisan lala xisaabtamo. Iyagaa ka mas`uulka ah in dhibabka bulshada ay xal u raadiyaan. Isla-xisaabtanka waxey kashifeysaa wasiirka ama wasiirada aan hawshooda qaban karin. Isla xisaabtanka waxey noo sahleysaa sidaan ku dili laheyn nidaamkaan jaahil, xaqdaro ee 4.5 oo faceen naga rabeeyay.
Ka hadalka dhibaatooyinkeena waxey sahleysaa ka hadalka xal-raadinta. Taasina waa talaabada koowaad oo lagama maarmaanka ah. Dhibabka loo baahan in laga wada hadlo, laga wada dodo, waa dhibabka arimaha qoyska iyo bulshda. Halbawlaha umadda!