Warqadii masaajidka Towfiiq iyo doorasho aan qabiil ku dhisney!  

Warqadaan waataan masaajidka u direy, shaleyna shirkeed looga wada doodey. Waxii shirkaa ka soo baxey, iyadana waan soo gudbin, hadii Rabi idmo.

Ku:- Masaajidka Tawfiiq Islamsk senter iyo Tawfiiq Kulturhus (Waqafka).
Ujeedo: Cadayn in haweenku rabaan ka qayb noqoshada maamulka Tawfiiq.
Masaajid Tawfiiq waa xarun islaami ah oo bulshada u qabata adeegyo kala duwan. Adeegyadaas la qabanayo waxaa qayb libaax ka qaata dumarkeena, gaar ahaan kuwa ku nool Oslo iyo agagaarkeeda. Waxaan ogsoonahay in xubnaha masaajid Tawfiiq ay gaareen sanadkii 2017 tiro dhan 7695 (todoba kun lix boqol iyo sagaashan iyo shan) xubnood.  Xubnahaas oo ay badidoodu yihiin dumar iyo caruur. Sanadkana 2018 ay xubnihii sii saayideen.
Tiradaas fara badan ee dumarka ahi dibada ayey ka joogaan maamulka iyo maaraynta masaajidka. Sidaa darteed waxaan soo jeedinaynaa:

    • In maamulka iyo maaraynta masaajidka ay qabtooda qaataan dumarku, siday shaqadaba qaybtooda uga qaataan.

    • In maamulka masaajidka lagu saleeyo, aqoon, xirfad iyo hawlkarnimo, lagana daayo qabiilka iyo waxyaalaha horumarka curyaaminaya.

    • In doorashada masaajidka loo agaasimo si waafaqsan xeerka masaajidka iyo xeerarka ururadu ku dhaqmaan.

Waxaa kaloo xusid mudan in adeeg ahaan, maamul ahaan iyo horumarka masaajidka, marka laga reebo dhismaha la dhisay, uu aad iyo aad uga hooseeyo meeshii laga filayay. Waxyaalaha curyaamiyey horumar bulsho iyo mid maamul ee masaajidkana ay ugu horeeyaan qodobadaan:

    • Qabiilka iyo reer-reerka oo masaajidka caadi ka noqday.

    • Maamulka oo aan habayaraatee lagu soo xulin xeeladaha iyo habdhaqanka maamul lagu yaqaan.

    • Dhamaan dadkii wax garanayay oo ka fogaaday xumaantaas meesha lagu qooshayo. (Tusaale waxaa inooku filan dhamaan dhalinyaradii aqoonta lahayd oo isaga wada baxay maamulkii ugu danbeeyey oo la dhisay).

    • Iyo haweenka oo doorkoodii masajidku noqday mid meeshaba ka maqan.

Sidaa darteed waxaan dumar ahaan diyaar u nahay, xaqna u leenahay in aanu ka mid noqono maamulka cusub ee dhawaan masaajidka loo samayndoono.  Sidaan horay u sheegnay, dumarku masaajidka aad bay ugu dhex jiraan, ka shaqeeyaan, balse nasiib xumo kama mid noqdaan maamulka ama gudiga masaajidka. Arintaa in la badalo baan dooneynaa.  Ilaa intii uu masaajidku soo dhisnaa, marna maamulka dumar kama mid noqon hogaanka masaajidka. Sharciga xuquuqdaas dumarka u diidaya waa kee?. Waa su’aal.
Waxaan kaloo rabnaa in doorashada soo socota hab loo wada siman yahey ay ku dhacdo. Oo aan qabiil laysku soo dooran. Balse aqoon, karti iyo rabitaan laysku soo doorto.

Soomaali ahaan, waxaan nahay qawmiyadda ugu badan ee islaam ah dalka Norway. Saas oo ay tahay, haddana waxaan nahay qawmiyadda aan ka muuqan doorkeeda bulsho ee dalkaan.
Waxaa lagu jiraa xilli hadaadan afkaaga isku difaacin, aad eedeysane noqoneysid. Diinta Islaamka waxay noqotey wax warbaahinta dalkan ay af ku heynteedu iyo eedeynteeduba ay badan tahay. Maadaama aan nahay umadda ugu badan dalkan, waa muhiim in aan ka muuqano oo ka qeyb qaadano doodahaa si aynu isaga difaacno dhaliilaha naloo soo jeednayo.

Ninkaasi ficilka uu muujiyay waa ay diinta wadaadadeena na baraan oo maasjidkan looga qudbadeeyo. Doodaas oo balaaratay, waxay ku wanaagsanayd in masaajidkeena uu ka muuqnaado, si dad weynaha ay fahmaan in isticmaalka diinta lagu kala gedisan yahey. Nasiib xumase, doorkaa masaajidka waa gabey. Waana sababta aan u leenahay doorashada dhici doonta ha noqoto mid ku saleysan aqoon, karti iyo rabitaan.
Sidaa daraadeed waxaan soo jeedinaynaa, in doorashada soo socota laysku soo xusho sharuudahan:

    • Aqoon (maadi iyo diinba), shuruudahana ay ka mid tahay in qofku luuqada wadankaan yaqaan.

    • In qofku diyaar u yahay in uu si iska wax u qabso (frivillig) masuuliyadi ku dheehantahay.

    • In qofku yahay qof shaqaysta oo dalkaan iyo xaaladihiisa la socda.

    • Reerka uu doono ha ka soo jeedo, waa in qofku shuruudahaas buuxiyaa, markaas ayuu noqonkaraa musharax maamulka masjidka.

    • Shuruudahaasna ay noqdaan kuwo ragg iyo dumarba loo wada siman yahey.

Dumarku waxay diyaar u yihiin in ay soo sharaxaan musharixiin buuxinaya dhamaan qodobadaas, kana maran qabyaalad iyo qurumo kale.