Qabiil iyo qurunkii qurbo yaalaa.
Is qabyaaladeenta iyo qabiil isku foocida aad iyo aad bey ugu xoog badan yahey qurbaha. Waxaaana sabab uga dhigayaa in inteena badan ee qurbaha ku nool aan nahney dad shaqeysta, ku liita is-dhexgalka umaddaha ay la nool yihiin. Waxaan u badan nahney dad jismi ahaan qurbo degan, qalbi ahaanse weli dalkaa jooga.
Sunta qabiil waxey soo baxdaa markey timaado tartar doorasho awood. Ha ahaato tartar siyaasadd ama tartan maamul jaaliyadd ama maamul masaajid. Qabiil ahaan baa laysku ololeeyaa qabiil ahaana baa laysku xumeeyaa. Waxaa garan kara oo xanuunka ay leedahey suntaa qabyaaladeed dadka isku soo sharaxey jagooyinkaa!
Hadda iyo markii hore!
Maanta waxaan ka mid ahay 59-ka xildhibaano ee Golaha Oslo, una xilsaaran maaraynta nolosha, nabadda iyo horumarinta 700,000 ee qof ee ku nool degaankaa Oslo.
Saddex jeer baan doorasho u tartamey. Labo jeer waxey aheyd doorasho degaanka oo aan ku guuleystey, midna waxey aheyd doorasho barlamaan. Saddexdaa jeerba tartanka doorasho ee jirey, soomaalida dhexdeed waxa uu ahaa mid ku saleysan qabiil iyo qurunkii. Hadaad qabiil yar ama qabiil dadkiisu ku yar yihiin meesha aad joogto aad ka soo jeedo, beertaa ku jirtaa.
Maadaama muruq-maalnimadda ay nagu yar tahey, sheekeentana ay nagu badan tahey waxaa laysku isticmaalaa telegramka xanta oo miig ka dheereeye. Waxaa laysku amri in qofkaa oo qabiil hebel ah loo codeeyo, iyadoon waxba lays weydiineyn waxa uu yahey qofkaa. Faa`iidada iyo qasaarada ay leedahey xisbiga uu matalayo.
Hadii nidaamka la fahansanaan lahaa, layskuna kalsoon lahaa waxaa awood loo yeelan lahaa in la fahmo awooda ay codeynta leedahey. Oo xisbigaa loo codeenayo, codkaagana uu u baahan yahey baa wax lagula heshiin lahaa umaddana dan ugu jirto, xisbigana markaad la xisaabtanto wuu ku qiimeyn. Oo awood laga baqdo baad noqon. Halka dadkeena ay taa cabsi u arkaan. Hadii wax la maqlayo waxaa la fahmi lahaa in loo wada codeyn karo inta sharaxan oo dhan, iyadoon qabiil loo eegeen. Oo isku iskuduubnaan baa xoog badin laheyd, keli cararid. Sida hadda qurbaha ka jirta. Nasiib xumo, heerkaa fahan, weli reer qurbo meynaan gaarin.
Dhibkaa is qabyaaladeynta qurbo oo dhan ayuu ka jiraa, qaasatan dalalka ceyrta bixiya. Kumana eka oo keliya u tartanka siyaasadda, ee waxuu kaloo ka jiraa masaajidada iyo jaaliyadaha. Hogaanka masaajidada ayaa ku dhisan intaooda badan 4.5. Waxey masaajidda maamulaan dhaqaale aad u tiro badan. Mid dhanka dawladda laga helo iyo mid dadka laga qaato. Awoodaa dhaqaale ee xooga badan waxey sababtey in qabiilo laga foociyay nidaamkii 4,5 sidaa midaa dhaqaale ay koox go`an gacanta ugu dhigto. Jaaliydaha waa sidaa oo kale. Ma jirto hal jaaliyadd oo somali weyn oo dhan matasha. Jaaliyaddaha oo dhan waa hal qabiil ayay ku dhisan yihiin. Halkii qabiil laftigiisii baa dabin isku dhigaya markey doorasho timaado.
Isku dayashada xun oo halista leh
Markii ugu horeysay ee aan musharax noqdo waxay ahayd 2011- Xiligaa qurbajoogta siyaasadda ku jirta aad bey u yaraayeen. Oslo-ahaana, waxaan ahayn Soomaalidii ugu horreysay ee siyaasadda ka dhex muuqata. Waxaanu aheyn dad dhan walba ka dhisnaa. Haddase siyaasaddii qurbo waxey noqotey sidii taksiilanimadda oo kale. Hal mar baa lagu wada yaacey oo laysku wada deydey. Xisbiyaddana waxey fahmeen sida nalooga faa`iideysan karo, umaddaha kalana aan lagula dhici karin. Waxey garteen in aan nahney dad aan isku xirney, dad wax fahmaya, dad qabyaalad iskugu hiiliya codkana si fudud looga heli karo.
Waxaa maalmahan Norway ka socda labo doorasho oo isku dhexjirta. Mid gobol iyo mid xaafad. Soomaali badan baa u sharaxan doorashooyinkaa iyo dhawr ajaanib ah oo umaddaha kale ka kala socda. Ajaanibkaa iyo soomaalida sharaxan toogtan waxey ku kala gedisan yihiin, ajaanibka sharaxan waa miida umadooda. Waa dad waxbarasho jeer jaamacadeed heysta, xirfadooyin shaqo oo kala gedisan wata. Waa dad xisbiga ay matalayaan fahansan siyaasadiisa, xafidsana taariikdiisa. Halka, kuwa anaga noo sharaxan qaarkood weligood aan soo shaqeyn, luuqada si wacan u aqoon, qaar waxaa lagu xantaa in ay dembiyo soo galeen. Dad noocaa markaad qabiil ugu codeyso oo ay ku matalayaan, horeyna laguugu yaqaaney inaad ka timid dad aad isku xirney, rajada iyo qiimaha aad suganeysaa maxey tahey?
Nasiib xumo, waxaan la og`sooney markey doorashooyinka soo dhamaadaan, baa bahdilidii runta aheyd bilaabataa. Intii ku guuleysatey doorashooyinkaa oo xildhibaano noqda, baa waxaa laysku kala qeybin gudiyo kala gedisan. Waxaa xisbi ahaan iyo gudi ahaan layska diiwan geliyaa qof walba iyo aqoontiisa iyo xirfadiisa (CV-ga) waxa ay tahey. Intii aad isku gudi noqotaan waxaad heleysaa qof walba CV-giisa iyo awoodiisa, oo aad ku xurmeynaa qof walba iyo maqaamkii. Beri ka maalin markaad dood isugu timaadaan ama wax idin dhex maraan waad taqaan qofkaa waxa uu ka sameysan yahey. Qof dhisan qiimo ayuu muteystaa, oo bahdilid waa magan galaa. Kuweena oo magac soomaali kugu matalaya, maqaam intee le`eg bey helayaan markey la yimaadaan mashaqeyste iyo ceyr qaate baan ahey?Umadahaan ajaanibka ah ee aan la noolnahney, wey leeyihiin iskala qeyb-qeybintaa dhexdood. Ha ahaato mid ku saleysan diin, qabiil, midab ama dabaqadda nolasha (social status). Iskala qeybintooda aad bey u xuduudeysan tahey oo laysma dhexgeli karo. Halka anaga aynaan xuduud laheyn, oo aan nahney dad is guursanaya, oo is dhexgaley hadana is colaadinaya. Bal labadaa nidaam kii daran, akhristoow go`aanka adigaa iska leh!
Sababta ay qabyaaladda qurbaha ugu xoog badan tahey waxaan ku saleyn karaa labo duruufooyin. Midi, horaan u soo sheegey oo waa is-dhexgalka nolosha qurbo oo aan weli lala qabsan. Iyo dadka qurbo yimid oo u badan dad dhawaan yimid. Oo aan dhisneyn.
Tan kale, labadii dabaqadood oo qab-dhismeedkii bulshada somali ku dhisneyd, oo reer Miyi iyo reer Magaal oo kala qeybsanaa baa dagaalkii markuu dhacey isku darsoomeyn. Qurbaha waxaa isugu yimid dad ka kala socda dabaqadahaa isku qasmey. Waxaa qurbaha lagu arkey dad aan weligood magaalo soo arag, oo nolosha meeshii ugu sareysa laga sugayo in ay la qabsadaan, iyagoon dhaqan celis la siin. Taana waa waxa kalifey in qabyaalad awood weyn ku yeelato qurbaha!
Qoraalkan waxa laga soo saarey markii hore webiste-ka Hiiraan.com
https://www.hiiraan.com/op4/2023/sept/192897/qabiil_iyo_qurunkii_qurbo_ugu_imoow.aspx