Ma dumar baa is baday, mise laga-roonayaal baa badey?
Ninku in uu dhowr xaasas yeelan karo, waa xaquuq iyo waajibaad dheeraad ah uu Rabi ugu deeqey nimanka. Nebigu CSW wuxuu yidhi deeqda Eebe waa qaali, qaalinimadaas waxaa iska leh, ruuxa garanaya waajibaadkiisa iyo masuuliyadda ka saaran deeqdaas.
Guursadka xaasas badan iyo masuuliyeed sharuudo adag ayay diintu ku xirtey. Sharuudahaa, nasiib xumo, ragg badankii waa dhayalsadaan- sidii in aysan naga dambeyn naar iyo janno.
Guurka, nooc kastaa uu yaheyba waa mas`uuliyadd aad u culus. Boqolkiiba boqol ninka ayay mas`uuliyaddaa saaran tahey. Hadaba waxaa is weydiinta mudan, maxaa kalifaya in raggayaga ay mas`uuliyaddaa dayacaan?
Guul badan oo aan mas`uuliyadii laga soo bixi karin, iyo furiin badan oo caruurtii ku dhibaateysan baa qoysaska soomaalida u badan, muhiimna ay tahey in laga dooda dhibabkaa si xal loo helo.
Minyaradda loo garaabi karo waa markii xaaska koowaad raali ka tahey- qoyskaa la balaarinayo, layslana wada og-yahey. Laakiin markii wax la qar-qariyo, quranaa ku jiro mana waaraan.
Dumar yeela in lala guursado, wey jiraan. Dumar raggooda u keena xataa xaaskii laga guursan lahaa wey dhacdaa.Ragg isku sheega Xaliimoyinka ay qabaan, wey jiraan, laakiin waa kala qariyaan. Fuluyaal dheh, si kasta oo ay daruuftu taheyba!
Laakiin waayahan waxaa la arkayaa, wax xataa aan shareecada Islamka aan waafaqsaneyn. Waxaa hal mar laysla wada guursan dhawr gabdhood, oo kuligood aan guur hor eu soo marin.
Walee, waa iga dulqaad iyo damiir gedisan tihiin. Xaas nr 2 aaba dagaal ka taagnaa, waaba hal mar adi iyo too kale Faarax wada wadaaga!
Koleey, ma fahmin xaajadaa, wax kastoo sababaya.
Diiniyan Ahaana waa dhaqan aan fiicneyn. Allow yeysan laga-roonayaal yeysan mawjadda noo qaban.