Hami aan dhabar loo heyn, baxar waaye
Afar saac baa ka soo wareegatey markuu sanadka cusub 2019 bilowdey, anagana waxaan fadhinaa Heathrow Airport ee London, oo Oslo iyo gurigeenii baan u sii soconaa.
Tobonkii maalmood ee u dambeeyay sanadkan waxaan wakhti qiimo leh la qaadaney qaraabada, ehelka iyo asxaabta reer London. Wakhti kooban oo aad u qiimo badan buu ahaa. Wax badan kaa faa`iideysaney, qaasatan dharka tolmada. Dad badan soo baraney. Meelo cusub soo booqaney. Cunto wacana soo cuney.
Waa markii afraad oo London nimaadno, bey noo aheyd.
Sannadkan 2018 waxuu ii ahaa mid i soo xasuusiyay sanaddkii 2014. Oo ahaa sanad dhowr shaqo aan isku hayay, oo daal dartii la soo dhacey. Daciifnimo baad dareemi, markuu dareenka qalbiga ka xoog bato, kan jismiga. Sanaddkaa 2018, Ilaah baa mahada iska leh, waxuu Rabi nooga dhigey sanadd kheyr qaba. Oo howlo badan oo wakhtigoodu gaabnaa, dusha iska saarey. Alxamdulillah, kheyr waa iiga soo dhamaadeen. Laakiin mar dambaa, culeys intaa le`eg dib loogu noqon doonin.
Sannadkan hamigeygu waa kooban yahey. Waxaan dhabar u heyn, dhex uma hayo. Balse labo howl baa ii qorsheysan hirgalinteed sannadkan, hadii Rabi idmo. Mide, mudaan dhayalsanayoo, oo igu dheeraatey, oo aan rabo in aan soo af jaro sanaddkan. Tan kalana waa howl cusuboo aan rajeyn in aan ku guuleysan doono daabacaadeed.
Sidaa darteed, Alloow sanadkan nooga dhib mid kheyr qaba oo guul noo leh.