Bulsho karaameysan waa bulsho awood leh. Guusha reer Norwey dhawaan gaareen iyo waxa laga baran karo!

Jaaliyada Norwey oo ah jaaliyada ugu da`da yar, uguna degitaanka gaaban marka loo barbardhigo jaaliyadaha kale ee ku nool dalka Norwey ayaa dhawaan ku guuleystey howl aan horey weligeed loo qaban. Ha noqoto jaaliyadaha kale ee dalkaa ku nool ama qurbajoogta kale ee soomaalaadi ah.
Waxey 25/3-2017 sameeyeen lacag aruurin balaaran oo abaaraha lagu taakuleynayay. Lacag aruurintaa ayaa ku saleysneed nidaamka ah hal maalin, hal konto iyo hal mar, oo dalkoo dhan laga wada hirgeliyo. Mudo yar oo dhowr saacadood ah ayaa lagu soo aruuriyay lacag gaaraysa 1.026.025 milyan oo u dhiganta 114.900 dolar, in lagu soo aruuriyo. Howshaa waxey noqotey howl guul iyo taariikh weyn reebtey. Ku dayashana mudan. 
Howshan lacag aruurinta waxey ku bilaamatey madal `Somali Forum` oo aan aasaasey dhamaadkii 2016 oo ka shaqeeneysa arimaha siyaasada horumarinta iyo kaalmeynta (Aid and development policies). Aasaaska madashaa waxey ku dhalatey booqashadii Dr. Marqan Qassim og Prof. Hodan Ciise ee aan ku marti qaadey Oslo, 2015. Qoraalkaan oo aad u sii tafaftirsan iyo sidey ku dhalatey madashan iyo howshan waxaad ka heli kartaa blogeyga, laakiin luuqadda norwegianka ku qoran tahey.
Ururo badan oo Somali iyo Norwegian ayaa xubin ka ah madashaa Somali Forum. Sanadkan bilowgii ayay madashu warsaxaafadeed ka sameysey dhibka abaaraha. War saxaafadeedkii (press release) oo ka soo baxey joornaalada dalkan, halkan ka akhriso- https://www.adranorge.no/2017/02/frykter-ny-sultkatastrofe/.

Halkan ka akhriso wareysi aan siiyay warbaahinta VOA oo hawshan ku saabsan- http://www.voasomali.com/a/3684284.html

Ulajeedada war saxaafadeedyadaa ayaa ahaa wacyi gelin abaaraha iyo bulsho kacin, si wax laysla qabto. Ururadii Norwegianka war saxaafaeedkii ka dib wey gaabsadeen. Ururada somalida ee madasha xubin ka ahaa ayaa go`aansadey in dadka abaaraha la caawiyo oo lacag aruurin la sameeyo. Ururadii norwegianka ahaa waa war geliyay, balse waxey nooga cudur daarteen in aysan howshan nagala qeyb geli karin, hadii aysan maamulka lacag aruurinta aysan mas`uul ka noqoneynin. Halkaa ayay ururadii Norwegianka nooga hareen.

 Labo mabda` ayay ku saleysan hirgelinta howshaa. In (1)- Caawinta walaalaha abaaraha ku dhibaateysan iyo (2)- Iyo muujinta awoodeena tiro iyo tayo ee Ilaah na siiyay, oo aynaan umadd kale u baahneyn. Labadii ulajeedaba waxaan dareemayaa in Ilaah nagu guuleysiiyay.
Masaajidada soomalida ee Norwey oo ka kooban 24 masaajid iyo dadka soomaalida ee Norway ayaa hawshii u tafo xeytey. Oo abaabulkii howsha aad buu u balaartey. Dad badan baa howshii ku soo galey. Magacii markii hore ee howshu ku bilaamatey oo ahaa Somali Forum, waxaan u badalney `Jaaliyada Somalida Norwey`. Howshii waxey noqotey howl jaaliyadoo dhan u wada taalo. Ganacsatayaasha, tagsiilayaasha, masaajidada, dhalinyarada, warbaahinada, aqoonyahanada, ururada bulshada, siyaasiyiinta, – looma kala harin ka wada shaqeynta howshaa. Looma kala harin.
Maalintii howshaa dhaceysey oo aheyd maalin sabti ah. Maalin nasiino, oo dadku intiisa badana hurdada ku yara daahaan, ayaa subaxii aroortii 07.00 xafiiska Xanaano la wada dhoobnaa si howsha loo bilaabo.
Qaar koombooyin bey la wareegaan magaalada iyo meelahey dadka ay ku badan yihiin. Qaar cunto ayay gadaan, oo dadkey soo jiitaan. Sadex teendhooyin oo cuntada lagu gadayay ayaa la dhisey. Oo Ilaah kheyr ha siiyo guryo badan baa maalintaa cunto badan soo diyaariyay. Darawalo diyaar ah baa jirey oo waxii loo baahdo meel ka soo qaadayay, oo meel kale geenayay.
Warbaahinta soomaalida Norwey uma kala harin hawshaa. Oo waxey ku wareegayeen meelahey ay hawlaha ka socoto oo dadkey wareysiyo iyo dhiiro gelin ku sameynayeen. Gobolooyinka qaarkood howshaa wey nagala qeyb qaateen, oo hawsha dhankood wey ka wadeen. Oo waa lala socdey waxey u baahan yihiin iyo meeshey hawsha u mareyso.
Howl lacag aruurin oo dalkoo dhan ah, aan weligeed horey loo qaban, aqoon fiican aan loo laheyn, ayaad waxaad moodaa habka loo wadey, in aan aheyn dad xirfad weyn u leh hawshaa. Daalkii iyo rafaadki laga soo marey howshaa, waxaa ka xoog batey qiiradda dadka ka muuqata.
Dareenka iyo shacuurta iyo farxada maalintaa ka muuqatey dadka, wax la qiyaasi karo ma aha. Dad aan soamaalida soo dhex geli jirin, baa maalintaa tanagga tuugsadka watey. Halka kuwo kalana u yimaadeen in ay hubsadaan in waxani run tahey iyo inkale. In somali keligood wax wada qabsan karaan. Iyagana iyagoo qanacsaa, ayay iyaga xataa dhankooda ka qeyb qaateen. 
Markii howshii lacag aruurinta soo dhamaatey. Oo mudo afar saac ka yar lagu soo aruuriyay lacag dhaafsiisan hal malyan, ayaa si wadajir ah masaajidkuna ka mid yahey loo doortey gudi dhowr qof ka kooban oo masuul looga dhigey in ay soo baaraan meelaha abaartu ka jirto iyo meelaha uu dhibku ugu badan yahey, ee lacagta loo diri doono.
Labo maamlood kadib gudigaa waxay soo bandhigeen xogtii ay ka soo aruurinyeen iyo meelihii ay la xariireen. Wada hadal ka dib waxa la go`aansadey in lacagtaa dhamaanteed loo wada diro gudiga qaranka ee abaaraha. Iyagaa dhibka nooga dhow, noogana aqoon badan.
Gudigaa abaaraha waa la xiriirney, waxaa loo sheegey lacagta la soo aruuriyay iyo sida lagu soo aruuriyay. Waxey noo balan qaadeen in ay gaarsiin doonaan kheyrkaa meelaha looga baahan yahey. Taana waa tan noogu muhiimaneynd. In dadka dhibaateysan ay caawimaadaa ay gaarto.

Hawshan waxey i bartey, in soomaalinimo ay nagu weyn tahey, loona baahan yahey dad garanaya, qiimeynaya taa.