Balaayo-kaa-maqan-lama-soo-dhaweysto
Maqalka dhagaha waxaa waayahan ku soo badanayay dilka caruur iyo hooyooyin, waxa dilayana ay yihhin aabayaashood ama adeeradood (stefedre) oo hooyooyinkood guursadey. Subxaanallah!
Waa nasib xumo in dilalka noocaas ah, ay qurbaha ku soo badanayaan waayahan. Waa muhiim, in lays weydiiyo waxa dhibabkaa foosha xun sababaya, sidii looga hortagi karo.
Ma burburka qoyska iyo is-qilaafka ka dhasha baa sababa? Mise nolosha qurbaha oo adkaatey ama laysla fahmi waayay, baa sababta? Ma dhibaatooyin kalaa jira?
Halistaa marka ay bulshada kuu soo badato, bulshada wax garadka ah waxey u xeydtaan fahanka waxa kalifyaa dhibabkaa iyo sidii looga hortegi karo. Bulshada aan caafimaadka qabina, waxey xal ka raadiyaan is-caburin, inkiraad iyo is eedeen.
Bulshadaa sida u ficiltantaa, waa bulshada ay xadaaraddu ku gaaban tahey, fahanka nolosha ku xun yahey, kalsoonidda nidaam dowladnimo aanu ku weyneyn.
Iyadoo ay dhibabkaa sababi karaan waxyaalo kala gedisan, waxaan aaminsanahey in qeyb weyn ay ka mid tahey burburka qoysaska ee qurbaha ku batey iyo guurka inaba aan caadiga aheyn ee aadka u batey. Guurkii waa badan yahey, furitaankiina waa ka sii daran yahey. Ilmihiina waa dayacan yihiin.
Talo wacan aan ku siiyo, dhabarkeed ma leedahey
Guurkaagii hore haduu kaa xumaadey, ilmo Ilaah ma ku siiyay, ha guursan guur cusub ilaa ilmahaa ay kaa korayaan. Oo aad qalbigood iyo quluubtood dhawrto. Ma ogtahey guurkaaga labaad in aadan u madax banaaneyn hadaad waalid tahey ilmahaagana ay qiimo kula leeyihiin.
Sida cilmi-baadhistu sheegeyso, haddii ilmaha lagu koriyo guri furitaan, suurtogalnimada in uu ku dambeeyo guri furitaan waa 50%. Hadaba adigoo garanaya xanuunka uu furitaan iyo bur-bur qoys uu leeyahey, sidee u yeeli kartaa in aad ku deg-degto guur kale oo ilmahaaga dhaawac kale soo gaarsiin kara! Ma caqligaa labadda lugood dhex galey!
Dulucda qoraalkan ayaa akhriste ah, in ay cabsi dheerad ah ku gasho marka adigoo waalid ah, caruur yar-yar heysa uu damac guur labaad ku soo galo. Adeerayaal iyo eedayaal maafiyo ah baa jira, ee gurigaaga balaayo kaa fog, ha u soo dhaweyn.
Waxii kheyr ku jira, Rabi ha noo sahlo. Waxii qalad iga dhaceyna, Rabi baan dambi dhaaf weydiisan.