Kalsooni ma loo dhashaa mise waa la sameystaa
Kalsoonidu waa dabeecad ku dhisan is-aaminid iyo is-ogaansho shakhsi oo ku saleysan xirfadahaaga iyo kartidaada. In aan tahey qof is yaqaan. Aqoon u leh waxa aad ku fiican tahey iyo waxaad ku liidato. Dulqaadkaaga inta uu le`eg yahey, kartidaada waxa ay ku saleysan tahey. Intaa markaad aqoon u leedahey, waxa aad tahey qof xuduud leh, yaqaana qiimihiisa. Taa ayaa isku kalsoon la dhahaa,
Faa`iidada ay leedahey isku kalsoonaanta ayaa ah in aad tahey qof u madax banaan ficilkii iyo damacii. Waxaad tahey qof ka madax banaan gumeysiga qalbi oo ku saleysan cabsi `maxaa lagu dhihi doonaa` `maxaa lagaa aamini doonaa` `maxaa lagaa sheegi doonaa`. IWM.
Waxa dhaliya isku-kalsoonida ayaa ka mid ah, inaad isku filan tahey. Isaga filan dhan walboo muhiim kuu ah- hadey noqoto karti codkarnimo iyo mid aqoon, mid dhaqaale., mid qurux.Garan maayo in kalsoon ay tahey dareen ama dabeecad loo dhasho, balse waxa aan aaminsanahey in ay tahey wax la sameysan karo. Waxey kaaga baahan tahey oo keliya tababar iyo ku cel-celin badan iyo degaan (environment) ku taageersan oo ku sahlayaa ku guuleysiga damacaa.
Ma ogtahey, marka aad leedahey kalsooni, in aad leedahey soo jiidasho, qalbiga u fiican.
Waxaa laguu arkaa hogaamiyo, han leh. Qof kalsooni mudan. Markeey kaa iftiimeyso soo-jiidashadaa, waxaad soo jiidan inta kula garaadka oo kula jaan qaadi karto.