Dalna- dhalmadda caruurtaa tayo iyo tiro u leh, dalna- waa keeniiyee, tiraadaa qiimo u leh!
Waxaan xasuustaa waagii aan dageneyn xeryaha qaxootiga ee Libooyo. Cabsi baa jirtey, noloshu ciriiri laheyd, hadanana habeen walbaa waxaa la maqli jirey aroos. Yaabka yaabkii! Waxaan is weyndiin jrey, Allah xagee bey cunto ka heli doonaan, markey ilmo dhalaan. Oo inteenii joogtey baaba heysan degaan iyo cunto ku filan.
Qurbaha waxaa ku arkeysaa, mid taa ka daran! Waxaa arki dad ilmaha sidee dooradda (digaag) oo kale u daadin, mas`uuliyadiina aan heyn, ilmihii markey dayacaana, Ilaahey bey qabaan baa marmarsiinyo looga dhigan.
Xagee xeradda iska qaban la`dahey. Ilaah waa la aaminaa, balse dullinimadda waa cudur aan Ilaah marmarsiinyo laga dhigan karin.
Qurbaha waa dalal kaa diin, dhaqan iyo luuqad- dhan walbaa kaa gedisan. Dalal waxa laga aaminsan yahey iyo waxa lagu dhaqmayo ay ka duwan yihiin waxaa aad ku soo kortey. Waa dalal nabad laga soo raadsadey. Ilaah nagu badbaadiyay. Intii dadaasheyna horumar Ilaah ka gaadhey.
Waa muhiim in la iftiimiyo, qaladaadka waalidka, si loo fahmo qaladaadka caruurta iyo dhalinyaradda. Waxaa qurbaha lagu arki waalid mudo dheer deganaa, caruur badan ku dhaley, dowladdana ay u masruufeyso reerkoodii.
Taa waxaa ka sii daran, marka uusan waalidka baran luuqadda dalkaa qalaad ee uu ilmihii ku korinayo. Sidee buu waalidkaa u fahmi karaa baahida uu ilmihiisa qabo markii waalidka iyo caruurta aysan isku luuqad ka dhexeyn?. Sidee waalidka u difaaci karaa marka xaquuqda ilmihiisa lagu xadgudbo, haduusan luuqadii baran? Sidee waalidkaa u fahmi jawiga dhalinyaranimo iyo baahiyooyinkaa kala gedisan ee ay ilmaha wakhtigaa galaan, marka uusan waalidku aqoonba u laheyn xaaladahaa?
Markii waalidkii iyo caruurtii aysan is fahmi karin, ilmihii baa waalid noqdey. Waalidkana markuu damco in habkii waalidnimo ee isaga lagu soo koriyay in uu kula dhaqmo imahaa, waxaa dhasha qilaaf. Qilaaf si fudud loo xalin karo, haduu waalidka baran lahaa luuqadaa.
Dhibaatooyinka qurbaha ay caruuteena kala kulmaan, inta badan waa dhibaatooyin ka dhasha mas`uuliyadd xumida waalidka. Waalidka baa dayici caruurtii, systemkana laad buu kugu sii dhufan.
Allooow noo sahal amuuraha!